sida ay Dalsan u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, askari hubeesan ilaalana ka ahaa goob lagu ciyaro kubada, ayaa rasaas ku furay dad doonayay in ay ciyaartaas daawadaan.
mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in halqof uu dhintay 2-kalana ay dhaawacmeen, kadib rasaasta uu askarikaas furay ee la sheegay in uu doonayay inuu ku kala eryo dad ku soo xoomay albaabka iskuulka Al-Anwaar EX: Dhmae Yaasiin Cartan oo ah goobta ka socotay kubad ciyarista
Halkan hoose ka dhageyso codka