DHAGEYSO: Galmudug ”Waxaan soo furanay Badmaaxiyiin ay heysteen Burcadbadeeda”

Ciidanka Nabadsugida maamulka Galmudug ayaa saakay howlgal ay ka fuliyeen Xeebaha dhaca degmada Hobyo ee Gobalka Mudug waxa la sheegay in ku soo badbadiyeen Ajaanib Afduub ahaan loo heystay.

Ciidamada waxaa la sheegay inay kor ka taageerayeen diyaaradaha Qumaatiga u kaca sidoo kalana ay isticmaalayeen Doonyo dheereya, si ay u baacsadaan Burcadbadeeda.

Iska hor imaad ayaa dhexmaray Burcadda iyo ciidanka maamulka Galmudug, waxaana ay is weydaarsadeen Rasaas xoog leh, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Afhayeenka Deegaanaka Wisil ee Gobalka Mudug Yoonis Abshir ayaa u sheegay Radio Dalsan in Kooxaha Burcadbadeeda ahaa xoog looga soo furtay Badmaaxiyiin u dhashay India oo gaarayey 8-Ruux.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Ciidamada Nabadsuagida Galudug ay gacanta ku dhigeen 8-ka mida Kooxaha Burcadbadeeda ee Afduubtay Badmaaxiyiintaasi.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.