Jugta qaraxa ayaa Goordhow waxaa laga maqlay Magalada muqdisho,waxana la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Guri ku yaalla Warshaddii hore ee Taraqa iyo Sigaarka oo ku taalla Wadada Warshadaha ee Magalada muqdisho.
Dad ku sugan agagaarka Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhex dhacay guri ku yaalla halkaas,isla markaana Guriga uu dab ka kacay uun holcaayo.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Gaari Guriga ku jiray uu qarxay,hayeeshee aan la ogeyn in gaariga lagu xiray qaraxa iyo in kale.
Gawaarida Gurmadka deg dega ee Ambalaasta iyo ciidado ka tirsan kuwa Dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com