Deg Deg:Danjirayaal ku dhintay Weerarka Hotelka Maka Al Mukarama

Ugu Yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay Weerarka Al Shabab ay ku qaadeen Hotelka Maka Al Mukarama  oo ay ku jireen Diplumaasiyiin u kamid ahaa Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo Caan ku ah Yuusuf Bari Bari oo Soomaaliya u fadhiyay Dalka Switzerland.

Danjiraha Waxa uu Deganaa Hotelka la Weeraray sido kale Waxa jira Warar weli aan la xaqiijin oo sheegaya inuu isagana dhintay Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Dr Cali Saciid Fiqi.

Waxa sido kale dhaawacmay Xubno badan oo Dowladda ka tirsanaa.

Hotelka waxa Maanta ka dhacayay kulan Looga hadlayay Barnaamijka Hiigsiga Cusub Ee NEW DEAL sida Dalsan uu u xaqiijiyay Maamulaha Hotelka.