DEG DEG: Qaraxyo xoogan oo laga maqlay Degmada Afgooye

Ugu yaraan 5 qarax ayaa laga maqlay bartamaha Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose sida uu ku soo waramay Wariyaha Radio Dalsan Ee halkasi ku sugan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabab ay madaafiic ku soo tuuren Bartamaha Magaalada.

Warar kale oo ay Dalsan heleyso ayaa sheegaya in Guri ku yaala Xaafadda Xaawa Taako uu gubanayo duqeynta kadib,Wariyaha Radio Dalsan Ee Afgooye ayaa soo sheegaya in Caawa Magaalada ay ku jirto xaalad kacsanaan ah.