Ciidanka ammaanka Puntland oo howlgal ku qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana howlgalkaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka laga fuliyay Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la tilmaamay in laga soo qabtay qeybo kamid ah Magaaladaas oo ay ku sugnaayeen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Puntland  ayaa intaas kusii daray inuu baaritaan ku socdo saraakiisha la qabtay oo magacyadooda la sii hayay ka hor inta aan gacanta lagu dhigin, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta ammaanka Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa marar kala duwan sidaan oo kale howlgalo looga sameeyay Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ay kusoo qabteen xubno isugu jiray Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor