War Goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in uu ka dhacay qarax gaari meel an ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray nin la sheegay in uu ahaa Tagsiile,islamarkaana Gaarigiisa uu la qarxay xili uu marayay agagaarka Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.
Ninkii gaariga loogu xiray Miinada ayaa la sheegaya in uu geeriyooday halka ruux kale oo gaariga la saarnaa uu dhaawac soo gaaray,waxaana Goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hada Goobta ku sugan.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com