Baraha Twitterka ee Danjirayaasha Maraykanka iyo Britain u jooga dalka Somalia ayaa si cad loogu soo bandhigay Farriin ay la socotay Goodin Sare oo loo soo diray Musharixiinta haysta Dhalashadda labadaasi Waddan ee u loolamaya Madaxtinimadda Somalia.
Twitterka Hawlgalka Maraykanka ee Somalia (US Mission in Somalia) ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Maraykanka ee ku nool dalalka kale ee lagu helo Musuq in lala tiigsan doono Sharciga u degsan Maraykanka.
US committed to a credible electoral process in #Somalia; grave instances of corruption by US citizens overseas are punishable under US law
Musharixiinta Madaxtinimadda waxaa ku jira kuwo haysta Labo Dhalasho (Dual Citizenship), iyadoo kala bar Musharixiintaasi wataan Baasabooradda Maraykanka, Canada, Britain iyo kuwo kale.
Dhinaca kale, Safiirka Xilka ka sii degayso ee Boqortooyadda Britain u joogta Somalia, Harriett Mathews ayaa iyadana codkeeda ku biirisay in Muwaadiniinta Britishka ee ka qeyb qaadanayo Nidaamka Doorashadda ee dalalka kale uu khuseynayo Sharciga Britain ee Musuqa (The UK Bribery Act).
The UK Bribery Act also applies to British Nationals overseas. https://twitter.com/US2SOMALIA/status/814021469315493888 …
Si kastaba ha ahaatee, Digniinaha Caalamiga ee Dowladahaasi soo saareen ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Beesha Caalamka soo saareen War-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin Go’aano ka soo baxay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka (NLF) oo ku aadan Kordhinta Tirada Aqalka Sare iyo in mar kale doorasho la geliyo 5 ka mid ah 24-kii xubnood ee ay Guddiga Madaxa Bananan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda horey u laaleen Liiska xubnahaasi.
©Radio Dalsan