DEG DEG:-Qarax Gaari oo Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Gabaldhicii Caawa ayaa waxa jug Culus laga maqlay qeybo ka mid ah degmada Waaberi ee gobolkaan Banaadir,kaas oo ahaa Qarax Gaari sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Gaariga qarxay ayaa waxaa lahaa sida la sheegay nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Cunguf,oo ka mid ahaa Hoggaamiyaashii siyaasada dalka xiliyadii la soo dhaafay,waxana la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen laba Dumar ah iyo Milkiilaha Gaariga.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in xiliga qaraxa uu dhacayay Xaafada Horseed oo ah Waaxada uu qaarxa ka dhacay  ay  marayeen Masuuliyiinta ka tirsan Maamulka degmada Waaberi in kastoo aan Warkaas la xaqiijin.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Waaberi ayaa Goobta gaaray kuwaas oo hada wada baaritaano dheeraad ah in kastoo aysan weli dad usoo qaban qaraxaas.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com