Wararka aan ka heleyno Caawa qeybo ka mid ah degmada hodan ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa qarax gaari uu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee Gobolkaan Banadir.
Qarxaan ayaa ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan ciidamada Meleteriga Soomaaliya balse uu ka badbaaday.
Mid ka mid ah Sarakiisha ciidamada ayaa sheegay in qaraxaas uusan waxba gaarsiin Sarkaalka marka laga reebo dhaawaca Haweeney goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugneed.
Ciidamado ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliy ayaa goobta gaaray,kuwaas oo sameeyay howgal gaar ah balse aan weli wax dad ah lagu qaban.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com