Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa haatan ka socda kulan u dhaxeeya Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo,ra’iisul Wasaare Xasan cali Kheyre iyo Madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan sheekh aadan.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii laga yeeli lahaa Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa Madaxda Al-Shabaab balse haatan isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayaa sidii Muqtaar roooboow loo soo bandhigi lahaa si uu u cadeeyo mowqifkiisa,maadaama uu horay uga mid ahaa Al-Shabaab balse ay iskhilaafeen.
Warar aan ka helnay illo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay in aan maalmahaan Muqtaar Rooboow aan la soo bandhigin maadaama uu yahay qof aad u daalan oo mudo ku jiray dhul howd ah oo ku yaalla Gobolka Bakool islamarkaana dagaalo la galay Al-Shabaab.
Shacabka Soomaaliyed ayaa u dhegtaagaya waxaayabihii ka soo baxa kulankaas,iyo sida laga yeeli doono Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.