Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ka socda kulan lagu dhameystirayo heshiiskii Madaxda Maamulada Puntlnad iyo Galmudug ay dhawaan gaareen kaas oo ay Maanta martigelisay Madaxtooyada Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,sidoo kale Madaxda labada Maamul ee Ahlusuna iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Sidoo kale waxaa kulanka xaadir ku ah sida aan Wararka ku heleyno xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Galmudug.
Kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro Go’aamo,iyo in la dhameystiro heshiiskii Madaxda Galmudug iyo Ahlusuna ku gaareen Jabuuti.
Wixii ka soo baxa kulankaas kala socda Radiodalsan.com