Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in haatan halkaasi uu ka socdo kulan deg deg ah oo looga hadlayo amniga deegaanada Maamulkaaas.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe),waxana ka qeyb galaya Saraakiil ka socota AMISOM kuwa xoogga dalka iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Kulanka ayaa waxaa lagu lafa gurayaa arrimaha amniga deegaanada Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo ka socdeen,iyada oo dhowr mar xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay Al-Shabaab weerareen.
Kulankaas qodobabadii ka soo baxa kala socda Radiodalsan.com