DEG DEG:-Gawaari uu la socday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo la weeraray

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow Wadada loo galay Gawaari uu la socday gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Gudoomiyaha ayaa ku sii jeeday xiliga wadada loo geliyay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,isaga oo ka tegay M/Baladweyne balse waxaa la sheegay in xili uu ku dhawaa degmada Maxaas Wadada loo galay.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Al-Shabaabkii Wadada u galay ayaa halkaasi ka dhacay kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolka Hiiraan ee Radio dalsan.

Gudoomiye Cali Jeyte ayaa haatan ku sugan degmada Maxaad ee gobolka hiiraan oo uu ku socday.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com