Mudanayaasha barlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta waxaa kulan ay yeesheen ay kalsoonidii kagala laabteen golihii wasiirada Puntland.
Kulanka Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 57 Xildhibaan waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi,iyada oo la horkeenay mooshin ay ku saxiix naayeen in ka badan 40 xildhibaan.
Gudoomiye Axmed Cali Xaashi oo furay kulanka ayaa ka codsaday xildhibaanada inay si waadax ah codka kalsoonida ugu qaadaan xukuumadda, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 47 mudane, waxaana ka aamusey 9 xildhibaan halka hal xildhibaana uu diidey.
Tani ayaa ku soo aadeysa xili ay jiran xildhibaano ku kacsan madaxweynha maamulka Puntland Cabduweli Maxmed Cali Gaas,iyaga oo qaarkood sheegayay in ay xilka ka qaadayaan.