Sawirro:-Mudaharaad ka dhacay Ceerigaabo iyo Khasaaro ka dhashay

Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta waxaa ka dhacay Banaanbax rabshado watay,kaasi oo dhigeen dadka deegaanka,waxaana ka dhashay Khasaaro.

Dadweyne farabadan oo ah ayaa isugu sooo baxay bartamaha Magaalada,kuwaasi ah oo ka careysnaa dagaalkii dhexmaray Ciidamo uu hogaamiye u yahay Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare iyo kuwa ka tirsan Maamulka Soomaaliland,kaasi oo ka dhacay deegaan duleedka Bari ka xiga Gobolka Sanaag.

Sidoo kale dadka dhigaayay Banaanbaxa ayaa Sawirro laga soo waxaa la arkayay,iyagoo Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Ceerigaabo  ku gubaya taayaro waaweyn,isla markaana Wadada ku xiray dhagxaan iyo Birro.

Mararka qaar ayaa waxaa gudaha Magaalada laga maqlayay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidanka amniga Ceerigaabo,waxaana ku dhaawacay  rasaasta hal ruux oo shacab ah.

Inta uu socday Banaanbaxa ayaa hakad galay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga,waxaana haatan weli gudaha Magaalada Ceerigaabo laga maqlayaa rasaas goos-goos ah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media