Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga qeybta 60-aad oo gaaray Magaalada Baydhabo

Taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa gelinkii dambe maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga taliyaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa sarakiil ka tirsan ciidanka Xooga dalka oo ugu horeeyo General Madoobe oo ah Madaxa howlgalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed iyo Saraakiil kale.

Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweyay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta 60-aad iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga Dalka  iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

General Maxamed Sheekh Abdullahi Taliyaha Cusub ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan loo sameeyay.

Gen. Madoobe Madax Howlgalinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo wafdiga hogaaminaayay ayaa sheegay in Ujeedka Safarkooda ay tahay in lala shaqeeyo taliyaha cusub ee ciidanka xogga dalka soomaaliyeed qeybta 60-aad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media