Danjiraha Qaramada Midoobay oo Cambaareyay Qaraxii ka dhacay Madaxtooyada

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicolas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii Xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Kay oo qoraal ku kooban soo dhigay Bartiisa Twitter ayaa sheegay inuu Cambaareenayo weerar uu ku tilmaamay mid argagixiso oo lagu burburinayo Horumarka Soomaaliya.

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay Qaraxa oo uu ku jiray Nin u dhashay Wadanka Turkiga.