Ku-dhawaad boqol dagaalyahan oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay aroornimaddii shalay muddo hal saacadood ku sugnaayeen Tuulladda Basuba ee duleedka Lamu ee dalka Kenya.
Goobjoogayaal codsaday inaan magacooda la soo xiganin ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inay Dagaalyahannadda ku amreen dadka Tuulladda inay ka soo baxaan guryahooda, si ay u dhegeystaan Khudbado Diini ah oo ay xubno ka tirsan Alshabaab u jeediyeen.
Goobjoogaha waxa uu intaasi ku daray inay in ka badan 300 qof oo Tuulladda degganaa laga toosiyey hurdada abaarihii 5-tii aroornimo, loona khudbeeyey ilaa 6-dii aroornimo.
Goobjoogaha waxa kaloo uu tilmaamay inay Dagaalyahannadda Alshabaab aad u hubeysnaayeen, isla markaana ay dadkii u wacdiyey ku jireen labo nin iyo labo haween oo caddaan ahaa.
Dagaalamayaasha Alshabaab ee muddada kooban ku sugnaa Tuulladda Basuba ee duleedka Lamu ayaa la sheegay inay dadka Deegaanka kula taliyeen inaysan raacin gaadiidka Boliska iyo kuwa Milliteriga, si aysan dhibaato ugala kulmin bartilmaameedyadooda.
Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay iskooda uga ambabaxeen Tuulladdaasi, kuna laabteen Dhulka Kaymaha leh ee Boni Forest.