Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.
Doorashada kursiga HOP#049ย ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharax oo kala ahaa Cabdullahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xayle, Cabdinuur Ciise Xiireey iyo Mustaf Sheekhย Cali Dhuxulow oo dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga Golaha Shacabka
97 ergo ayaa coddeeysay doorashada kursiga, waxaana kusoo baxay oo ku guuleystay Mustaf Dhuxulow oo helay Codad gaaraya 68 Cod, halka Musharaxii la tartamay ay kala haleen Cabdullahi Guutaale 21 Cod, Jamiilo Cali Xayle 5 Cod iyo Cabdinuur Xiireey oo aan wax Cod ah helin, saddex Codna waa halaawday.
Guddiga doorashada Maamulka Galmudug oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa sheegay in Mustaf Sheekhย Cali Dhuxulow uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursigaas, waana kursigii ugu horreeyay oo afar Musharax u tartameen, isla markaana doorashadiisa loo galay tartan adeg.