Faah faahino dheeraad ahaa ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada wadajir ee gobolkaan Banaadir kaas oo la sheegay in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay meel u dhow Xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ah Suuqa weyn ee degmada maadaama Xarunta Maamulka degmada ay isku dhow yihiin..
Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa goor dhow ku dhaawacmay qarax ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir, halkaasoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.
Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan tahay mid Caadi ah basle ay si aad ah u burburtay xarunta maamulka degmada Wadajir sida aad sawiarda ku arki doontaan.
Sawiro