Muwaadin Somali-Maraykan ay Daacish soo tababartay oo beeniyey inuu weerar ka geysan lahaa Maraykanka

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabbo C/raxmaan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo oogay inuu qorsheynayey inuu falal argagixiso ka geysto Maraykanka, kadib, markii uu ka soo laabtay dalka Syria oo uu tababar ku soo qaatay.

Eedeysanaha oo 23-jir ah, degganaa magaalladda Kolombas ee Gobalka Ohaayo ee dalka Maraykanka ayaa shalay la soo tagay Maxkamad, waxayna Dacwad-oogayaasha federalka sheegeen in Eedeysanaha tababar ku soo qaatay Xerooyinka Daacish ee ku yaalla gudaha dalka Syria.

Kartar Istewart oo ka tirsan Xeer-ilaalinta Maraykanka ayaa sheegay inuu Eedeysanaha markii uu ku soo laabtay Maraykanka uu La-tashi ka lahaa sidii uu qaraxyo uga fulin lahaa gudaha Maraykanka.

Waxaa kaloo lagu eedeeyey inuu bishii April ee sannadkii hore u socdaalay dalka Syria,  waxaana loo soo tababaray Toogashadda, samaynta waxyaabaha qarxa iyo sida loo dagaalamo, loona jebiyo dhismayaasha.

Qoraal ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa lagu muujiyey inuu Eedeysanaha qorsheynayey inuu weeraro Saldhig ay Ciiddamadda ku leeyihiin Gobalka Teksas iyo inuu surka ka jaro 3 ilaa 4 Askari oo Maraykan ah.

Eedeysane C/raxmaan Sheekh Maxamuud waxaa la xiray Bishii Feberaayo ee sannadkan, kadib, markii lagu soo oogay eedeymo la xiriira Argagixiso iyo inuu lacago xawilay.

Dhinaca kale, Eedeysanaha walaalkiisa oo la oran jirey C/fataax Aadan Mohamoud waxaa bishii June ee sannadkii hore la dilay isagoo ka barbar dagaalamayey Jabhadda Al-nusra Front oo ka dagaalanta gudaha dalka Syria.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor