Hadal qoraal oo ka soo baxay Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Maalmihii Khamiista iyo Arbacadda soo badbaadiyeen Tahriibayaal tiradoodu guud dhan tahay 1,031 qof.
Tahriibayaashaasi waxaa la sheegay in loo gudbiyey 4 Deked oo ku taalla Koonfurta Talyaaniga.
Afhayeenka Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka (IOM), Flavio Di Giacomo waxa uu tilmaamay in Kooxdii ugu horreysay Tahriibayaasha soo gaareen Dekedda magaalladda Augusta, kuwaasi oo uu xusay inay u kala dhasheen dalalka Somalia, Masar, Sudan iyo qof u dhashay dalka Syria.
Waxa uu intaasi ku daray in Markab kale oo soo badbaadiyey Qaxooti badankooda ahaa Somali iyo Eritrean uu soo gaaray Dekedda magaalladda Kataniya.
Haweeney Somali oo Xaamilo ah, kana mid ahayd Tahriibayaasha la badbaadiyey ayaa lagu soo qaaday Diyaarad Helikoptar, waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla magaalladda Kataaniya.
Dhinaca kale, Dadka la badbaadiyey waxaa ka mid ahaa Tahriibayaal tiradoodu dhamayd 800 o oqof, kuwaasi oo la socday labo dooni oo ka soo ambabaxay Xeebaha Masar.
©Radio Dalsan