Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay duleedka Jowhar

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Galabta qarax Miino lagula eegtay deegaanka Buurane ee duleedka Jowhar.

Qaraxaan ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso,waxaana la sheegay in xiliga qaraxa lala eeganayay ay kolonyadooda maryeen deegaanka Buurane,kuwaas oo ah kuwa Burundi.

Waxaa lgu soo waramayaa in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas,balse Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in qaraxaas ay ku dileen ila laba kuwo kalena ay dhaawaceen.

Weli Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kama hadlin qaraxaas lala eegtay Kolonyo ka mid ah Ciidamada Burundi oo ka mid ah AMISOM.