Ciidamada Nabad-Sugida oo Caawa siidaayay Wariye Muqtaar Nuur

Ciidamada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa Caawa Xabsiga ka siidaayay Sawir qaade Muqtaar Nuur oo Caanka ah Baraha Bulshada sida Youtube-ka iyo Facebook.

Ciidamada ayaa Sawir Qaadaha u xirnaa mudo Saddex Maalin ah kadib markii ay xireen Maalintii Khamiista aheyd ee la soo dhaafay,balse ugu dambeyn Caawa uu xurayadiisa helay.

Ilaa iyo hada macada sababta loo xiray Wariye Muqtaar Nuur,waxaana siideyntiisa waqti badan ku bixiyay Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed  ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan oo Maanta kulan la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.