Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif xasan Sheikh Aadan ayaa Dowladda dhexe ku dhaliilay sida ay ugu dhaqmayso Dastuurka dalka, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisu ay ku tumanayan Qodobbo dastuuri ah kuwaas oo loo baahnaa in la ilaaliyo.
Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dalku uu ku dhawaad laba bilood uu dalka Ra’iisul wasaare la’aan yahay, waxaana uu sheegay in xukuumad dhacday ay dalka kasii shaqayso, taasina waxaa uu sheegay in dalka ay ku waddo khatar hor leh.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu dhawro dowladnimada dalkaana uusan u horseedin khalalaase siyaasadeed.
Waxaa uu baaq u dirsay Farmaajo, isagoo ugu baaqay in si deg deg ah uu usoo magaccaabo ra’iisul wasaare, isagoo sheegay in aysan aqoonsanayn sharuucda iyo waxyaabaha ay saxiixayaan Xukuumadda xiligeedu dhacay oo howlo dar-dar ah wadda maal mahaan.