Ciidamada Bada Libiya oo soo badbaadiyay ku dhowaad 400 oo Muhaajiriin ah

Ciidamada ilaalada bada dalka Libiya ayaa soo badbaadiyay 346 ruux oo muhaajiriin ah oo boqol kamid ah ay ahaayeen Dumar iyo Carruur.

Tahriibayaasha ayaa saarnaa saddex, waxaana ay ku sugnaayeen markii loo fidinayay gurmadka meel 10 Nautical Miles ka baxsan goobaha lagu magacaabo Garabulli iyo Ghot el Rommane, oo bariga kaga toosan Magaaladda Tripoli, sida uu sheegay Mohamad Jannane oo ah sarkaal kamid ah kuwa ciidamada Bada Liibiya oo kaqeyb qaatay howgalkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Muhaajiriinta ay doonayeen in ay ugudbaan bada Mediterranean-ka si ay Yurub usii galaan, waxaan uu qiray in howgalka uu socday saddex saacadood.

“ Howgalka badbaadinta waxa aan  biloownay 1:00 am ama (2300 GMT) waxa uuna socday ilaa 4:00 subaxnimo, maxaa yeelay doomihii aan wadanay ayaa ahaa ku aad u yar yaraa” ayuu sarkaalka yiri.

Tahriibayaasha ayaa iminka waxaa loo wareejiyay dalka Talyaaniga.

Inkabadan 430,000 oo muhaajairiin iyo Qaxooti ayaa ka gudbad biyaha Mediterranean-ka tan iyo bishii January iyadoona ay geeryoodeen 2,750 , sida hey’adda IOM laga soo xigtay, waxaana muhaajiriintaasi badankooda ay kazoo baxeen wadamada Africa gaar ahaa Soomaaliya.