Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa soo saartay Warbixin laga argagaxo oo ku aadan Khatarta uu Cudurkaasi ku hayo Somalia marka loo eego 5-tii sanno ee la soo dhaafay.
Warbixintu waxaa lagu muujiyey in la diiwaan geliyey 32,000 oo Kiiska Koleeraha,oo 618 ka mid ah u geeriyoodeen tan iyo bilowgii sannadkan 2017-ka.
WHO ayaa tilmaamtay in la rajeynayo inay tiradda sii laban laabanto dabayaqadda bisha soo socota ee June.
Afhayeenka Hay’adda WHO, Tarik Jasarevic ayaa Suxufiyiinta ugu sheeagay magaalladda Geneva in Abaaraha ka jira Somalia horseeday inay gabaabsi noqdaan Biyaha Nadiifka iyo inuu Cuddurka Koleeraha si xad-dhaaf ah uga dillaaco Somalia shantii sanno ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale, Cuddurka Koleeraha waxaa kaloo so olabeeya Cuddurka Jadeecadda, taasi oo ka dhalatay Tallaalka oo gabaabsi noqday iyo Barakac baahsan oo ka dhashay Abaarta.
Waxaa jira Olole la qorsheeyey si loo tallaalo 500,000 oo carruur ah oo ay da’doodu u dhexeysso 6 bilood ilaa 6-sanno jir. Inkastoo aan la helin lacagtii la codsaday oo dhan 2.7 million oo Dollar.
Xigasho: UN Nes Center
©Radio Dalsan