Ciidamadda Booliska Kenya ayaa Su’aalo weydiinaya Nin ay shegeen inuu maalgelin jiray Xarakadda Al Shabab oo ay Ciidamadda Kenya ku qabteen Magaalo Xeebedka Lamu ee Gobolka Xeebta Dalka Kenya.
Ciidamadda Booliska waxa ay sheegeen Mustafa Shebwana Maxamed oo ah Ninka loo heysto inuu taageeray Xarakadda Al Shabab in ay qabteen Saraakiil ka tirsan Kooxda la dagaalanka Argagixisadda.
Booliska ayaa dabagal ku haayay dhowr Bilood Mustafa Shebwana oo ay Kenya aamisan tahay inuu ka dambeeyay in dhalinyaradda Kenya lagu qanciyo ku biirista Al Shababka Soomaaliya.
Sarkaal An Magaciisa la sheegin ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua in Booliska Kenya ay aaminsan yihiin In Ninkasi uu tababar Militiri uu ku soo qaatay Dalka Soomaaliya.
Madaxa qaadiga Mombasa Stephen Riech ayaa Warbaahinta u sheegay in Weli baaritaan lagu haayo Mustafa Shebwana oo loo heysto tuhun ah inuu xiriir la lahaa Al Shabab.
La tuhunsanahan waxa lagu eedeyay inuu Weeraro ka qorsheynaayay Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi.
Trending
- Akhriso: Taariikhda Khadra Daahir Cige oo Caawa Hargeysa ku Geeriyootay
- Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 2/07/2022
- Dowladda Soomaaliya oo Codsi u dirtay Dowladdaha Carbeed ee taageera
- Dhageyso:- Warka Habeen Ee Radio Dalsan 2/07/2022
- Akhriso: Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka oo fasax kooban galay
- Ukraine oo dalbatay in la qabato Markab Ruush ah oo sida Qamadi laga xaday
- Madaxweyne Axmed Madoobe oo amar kusoo rogay hay’addaha ka howlagala Jubbaland
- Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo dhambaal u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh
- Kenya oo sheegtay inay howlgal ku dishay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab
- Dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dhul-gariir xooggan oo ka dhacay Iiraan