Booliska Kenya oo Su’aalo Weydiinaya Nin Al Shabab Ay La Xiriiriyeen

Ciidamadda Booliska Kenya ayaa Su’aalo weydiinaya Nin ay shegeen inuu maalgelin jiray Xarakadda Al Shabab oo ay Ciidamadda Kenya ku qabteen Magaalo Xeebedka Lamu ee Gobolka Xeebta Dalka Kenya.
Ciidamadda Booliska waxa ay sheegeen Mustafa Shebwana Maxamed oo ah Ninka loo heysto inuu taageeray Xarakadda Al Shabab in ay qabteen Saraakiil ka tirsan Kooxda la dagaalanka Argagixisadda.
Booliska ayaa dabagal ku haayay dhowr Bilood Mustafa Shebwana oo ay Kenya aamisan tahay inuu ka dambeeyay in dhalinyaradda Kenya lagu qanciyo ku biirista Al Shababka Soomaaliya.
Sarkaal An Magaciisa la sheegin ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua in Booliska Kenya ay aaminsan yihiin In Ninkasi uu tababar Militiri uu ku soo qaatay Dalka Soomaaliya.
Madaxa qaadiga Mombasa Stephen Riech ayaa Warbaahinta u sheegay in Weli baaritaan lagu haayo Mustafa Shebwana oo loo heysto tuhun ah inuu xiriir la lahaa Al Shabab.
La tuhunsanahan waxa lagu eedeyay inuu Weeraro ka qorsheynaayay Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor