AMISOM”Sameyn Ma Yeelan Doonto Iney Midooban Al Shabab iyo Daacish”

Taliska Booliska Howlgalka Amisom ayaa sheegay in Waxba aysan ka badali doonin Xaaladda Xaasiloonida iyo Dib u dhiska Soomaaliya iney midooban Al Shabab iyo Daacish.

Amisom oo la weydiiyay Su’aalo kale oo badan kadib markii Maanta 3 galabnimo¬† ay u ogolaatay dhamaan Dadka isticmaala Barta Twitter iney weydiiyan Su’aalo la xiriira Dalka ayay shaacisay arintasi.

Barnaamijkasi oo loogu Yeeray Weydii Booliska Amisom(AskAmisomPolice)waxa Marti ku ahaa Ku Simaha Taliyaha Ciidamadda Booliska Amisom Benson Oye-Nyeko.

Sido kale Amisom ayaa la weydiiyay inta Sarkaal oo ay u tababareen una qalabeyeen Booliska Soomaaliya waxa ayna sheegtay iney tababartay 4 kun iyo 5 boqol oo Sarkaal.

Dhinaca Dhibaatada Taraafikadda oo wax laga weydiiyay Amisom waxa ay shaacisay ineysan weli aad uga warqabin arintasi lkn ay baareyso eedeymahasi.