Alshabaab oo la sheegay inay qarax ku dileen Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya

Agaasimaha Hawlgalka Kaymaha Boni Forest, James Ole Seriyan ayaa sheegay inuu Sarkaal ka tirsan Waaxda Maamulka Boliska Kenya uu ku geeriyooday qarax shalay ka dhacay Waddada isku xirta Deegaannadda Hindi iyo Bodheey ee Degmadda Laamu.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inay ka badbaadeen Saraakiil la socotay gaariga ay miinaddu la kacday oo la sheegay inuu gebi ahaan wada gubtay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in Alshabaabkii geystay weerarkaasi ay dib ugu laabteen Kaymaha Boni Forest oo ay Saldhig ku leeyihiin
Weerarkan ayaa yimid wax ka yar hal isbuuc, kadib, markii ay in ka badan 20 nin oo ka tirsan Alshabaab weerareen gaari xamuul oo ka yimid Degmadda Mpeketoni kuna sii jeeday Deegaanka Hindi.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay 2 qof oo la socotay gaarigaasi oo la sheegay inuu waday Bulkeeti.
©Radio Dalsan