Al Shabab oo weerartay guriga Madaxa Mashaariicda Baardheere

Ugu yaraan dagaal xoogan oo qaatay muddo ka badan 1 saac ayaa xalay ka dhacay degmada Baardheere kadib markii Al Shabab ay weeraren guriga madaxa mashariicda degmada Maxamed Xuseen (Ganey).

Wax khasaare ah weli lama soo sheegin sida wararka qaar ay sheegayan basle ilaalada guriga Sarkaalkasi ayaa iska caabin kala hortagay Al Shabaabkii weerar soo qaaday.

Xaalada saakay waa ay degan tahay sida wararka aynu ku heleyno,Al Shabab ayaa marwaliba weerarta xarumaha iyo guryaha saraakiisha dowlada iyo kuwa AMISOM.