Hey’adda MSF oo Kenya ka codsatay iney dib u eegto go’aanka xiritaanka Xeryaha Qaxootiga

Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa dowlada Kenya ka codsatay in dib ay u eegto warsaxafadeedka ay ku sheegtay iney xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

MSF ayaa qoraal ay ku soo qortay barteeda Twitterka ku sheegtay in tani ay qatar ku tahay nolosha kumanaan kun oo qof.

Kenya ayaa shalay shaacisay iney xireyso xeryaha qaxootiga iyada oo sababta ku sheegtay dhibaatooyin dhinaca Amniga,Dhaqaalaha iyo deegaanka oo kaga yimid Al Shabab.

In ka badan 600 oo kun oo qaxooti ah ayaa ku noolaa xeryaha muddo ka badan 20 sanno,kuwaas oo badankooda ka tagay Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor