Akhriso:-Wararkii u dambeeyey qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM lagula eegtay duleedka degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Kolonyo ka tirsan Gaadidka ciidamada Kenya oo marayay meel u dhow degmada Dhoobley qarax lala eegtay,isla markaana ay maqleen jugta qaraxa.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,balse Al-Shabaab ayaa Bogaga ay Wararka ku qoreen waxa ay ku daabaceen in ay qaraxaasi ku dileyn 15 Askari kuwo kalena ku dhaawaceen.

Weli wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee ku sugan degmada dhoobley,waxana lagu soo waramayaa in ciidamda Kenya ay socdaalkoodii siiwateen.