Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad aan la garanayn cidda iska leh ay waraaqo ku dul daadisay magaalada Jilib ee uu ka taliyo Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Wararkan oo aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in waraaqahaas la daadiyey ay ku qornayd farriin ugu baaqaysa Al-Shabab inay ka faa’iidaystaan cafiskii uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ugu baaqay xubnaha ku jira Al-Shabaab inay kaga soo baxaan muddo 60 maalmood ah.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in hawlgallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka dhaceen Gobolka saacadihii lasoo dhaafay.
Faahfaahinta laga helayo magaalada Kulbiyow ayaa sheegaysa in khadkii isgaarsiintu uu haatan ay u soo laabatay magaaladaasi kadib hubka culus oo ay AL-Shabab ku tuureen magaaladaasi subaxnimadii hore ee Sabtidii.