Qaraxaan oo ah kii labaad oo mudo saacado ah ka dhaco gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Koontorool Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin Sarta Seybiyaano.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaa uu ahaa mid gaari loo adeegsaday,isla markaana xili ay ciidamada baaritaano ka wadeen Koontoroolkaas uu qarxay.
Waxaa la soo sheegayaa in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxas wallow weli faah faahin dheeraad ah aan laga helin.
Waa qarixii labaad ee Maanta ka dhacay muqdisho,waxana qaraxa goordhow ka dhacay Koontoroolka Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Sarta Seybiyaano juftiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan G/Banaadir.
Wixii ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com