Akhriso:-Maamulka Galmudug oo taageeray Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii 4aad ee ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee taageera Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ee xiriirka u jaray dalka Qatar.

War saxaafadeed Caaawa ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa is bar bar taag loogu muujiyay dowlada Sacuudiga  iyo Imaaradka Carabta  oo lagu sheegay in xiriir soo jireen oo taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

WarSaxaafadeedka ayaa ku qoran luuqada Inglishka,iyada oo maalin ka hor ay jirtay in Warsaxafadeed midkaan la mid ah uu soo baxay balse Galmudug ay sheegtay in uu yahay mid been abuur ah.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran