Afartan musharax xildhibaan ayaa maxkamada sare ee dalka u gudbiyey dacwad ka dhan ah guddigii doorashada dadban oo uu guddoomiye ka ahaa Abuukaate Cumar Dhagey.Mudanayaashan oo horey ugu tartamay ka mid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya doorashooyin ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada,ayaa ku eedeeyey guddigii xalinta khilaafaadka iyo kan doorashooyinka inay ku lugleeyihihiin wax isdaba marin dhacday, islamaarkana sheeganaya lacago ka maqan, taasi oo maanta kal dacwadeed uga gudbiyeen maxkamada sare, si ay u helaan cadaalad.
Nuqul ka mid ah gal dacwdeedka loo gudbiyey maxkamada ayey heshay Dalsan iyo magacyada musharxiintii saxiixay galkaas.