Wararka naga so gaaraya dalka South Afrika ayaa sheegaya in 5 lagu dhex dilay Dukaan uu Ganacsade Soomaali ku lahaa Degmada KwaDlangezwa ee Waqooyiga Gobalka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika, waxaana ILAAHAY mahadiis ah inaan Muwaadiniintaasi Soomaaliyeed wax dhaawac ah kasoo gaarin weerarkaasi, marka laga reebo dhac maaliyadeed.
Toogashadaasi waxaa sido kale lagu dhaawacay 2 qof oo xaalladooda aad u liidato, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka ku yaala gobolkaasi KwaZulu-Natal.
Tv-ga eNCA ee laga leeyahay K/afrika ayaa baahiyay warbixin la xiriirta weerarkaasi lagu qaaday dukaanka ganacsatada Soomaalida ay
leedahay isagoo sheegay in uu weerarkaasi khasaaraha dhimashada iyo dhawaca dhaliyay uu u muuqday isku-day lagu doonayey in lagu dhaco Dukaankaasi.
Dableeyda hubeysan ee weerarka geeystay ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen 2 kamid ahaa Ilaaladda Ammaanka iyo 3 qof oo ku dhax jiray
Dukaanka waxayna dableeyda dhaceen lacag caddaan ah oo gaareeysay R50,000 oo u dhiganta $5000 oo Dollar.
Ibraahim Maxamed oo ka mid ahaa Shaqaalaha Dukaanka ayaa sheegay inuu Weerarkaasi ahaa Fal Dhac ahaa, isla markaana ay had iyo jeer ka dhacaan dalka Koonfur Afrika.
“Ma dhihi karno weerarka waxa uu xiriir la lahaa Falalka Isir-nacaybka ka jira koonfur afrika. Waxa uu weerarku ahaa dhac, maadaama uu sannadku dhamaanayo” ayuu yiri Ibraahim Maxamed.
Dhinaca kale, Madaxa Ammaanka Bulshadda ee Gobalka KwaZulu-Natal,
Makolisi Kaunda ayaa sheegay inay ka war heleen Dhaca Hubeysan iyo dilka ka dhacay Dukaanka Soomaalida, isla markaana ay wadaan baaritaano
lagu soo qabanayo dableydii ka dambaysay dilka 5-ta qof iyo dhaca dukaanka loo geeystay .
Si kastaba Ma aha markii ugu horeysay oo Burcadda South African-ka dhac iyo dil ka geystaan goobaha Ganacsiga oo ay Soomaalida ku leeyihiin South Africa.
Waxaa ILAAHAY mahadiis ah in aan Muwaadiniinta Soomaaliyeed wax dhaawac ah kasoo gaarin weerarkaasi, marka laga reebo dhaca loo gaystay.