Ciidamo Caawa la soo dhoobay Wadooyinka qaar ee Muqdisho

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Caawa lagu arkayaa Wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,kuwaas oo mararka qaar abaritaano sameynaya.

Ciidamada an ayaa ku sugan Wadada dheer ee Maka-Almukarama,wallow aysan wadada xirin ayaa hadana waxa ay si guud ula soconayaan dhaq dhaqaaqa dadka iyo Gaadiidka intaba.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin Ciidamada Caawa la soo dhoobay Wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in sababaha Wadooyinka Ciidamada loo soo dhoobay ay tahay in ay xaqiijinayaan amniga Caasimada,iyada oo lagu guda jiro todobaadka xurriyada,isla markaana habeen dambo ay ku beegan tahay munaasabada 1-da Luulyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor