Wararka laga helayo degmada Cadale ayaa sheegaya in maanta ay dagan tahay xaalada deeganadii Jimcihii ay ku dagaalameyn Maleshiyo beeleed .
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Cadale C/raxmaan Axmed Cabdi ayaa Wareysi uu siiyay Redio Dalsan waxa uu kaga hadlay xaalada deeganadaasi lagu hardamay.
Gudoomiye Cabdi ayaa sheegay in ay ku baxeyn ku baxeyn xiisadaasi oo ay iminka ku howlanyihiin sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyo beeleedkaasi.
Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale waxaa uu tilmaamay in aysan laheyn awood ay ku xaliyaan xiisadaas deegaanka kusoo noq noqday.
Halkan ka dhageyso Gudoomiye C/raxmaan :