Kooxo hubeysan ayaa Caawa waxa ay Xaafad ka tirsandegmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir ku dileyn laba Wiil oo la sheegay in ay ahaayeen Walaalo.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Ex-koontorool Afgooye iyo Xaafada xoosh meel u dhow Xerada dadka soo baxarakacay ay degan yihiin ee badbaado.
Qof ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa uu Dalsan u sheegeen in labada Wiil mid ka mid ah uu ka mid ahaa Askarta ciidamada Dowladda,kuwaas oo lagu kala Magaabi jiray Saneey iyo Xuseen Faarax,isla markaana ay ku wajahnaayeen Guri uu deganaa mid ka mid ah raga la dilay,isaga oo walaalkiisa soo bari lahaa Xaaskiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxaana ay goobta ka qaadeen meydka labada Wiil oo uu mid ka mid ah ka tirasnaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga qofka Goobjoogaha ah.