Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha (The European Court for Human Rights) ayaa ku amartay Dowladda Britain inay Dhibane Ismaaciil C/raxmaan siiyaan lacag dhan 16,000 oo Euro, una dhiganta 13,000 oo Giniga Istarliinka ee laga isticmaalo Britain (£13,000).
Xeer Beegtida Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha oo ka koobnaa 17 Garsoote ayaa 11 ka mid waxay u codeeyeen in Dowladda Britain magdhow lacageed siiyaan Dhibanaha.
Garsoorayaashii xukunkaasi riday ayaa waxay ka kala socdeen dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Talyaaniga, Asarbajaan, Yukrayn, Britain, Spain iyo Masedooniya.
Maxkamadda Europe ee Xuquuqda Aadanaha waxay kaloo Lacagta magdhowga ee la siinayo Dhibanaha ka jartay Codsiga Garyaqaanadiisa ku dalbadeen magdhow dhan 36.000 oo Geniga Istarliinka ee Britain.
Dhibanaha ayaa ku muteystay Madhowgaas Lacageed, kadib, markii ay Boliska ku xad gudbeen Xuquuqdiisa Asaasiga iyo tan Aadminimo, muddaii uu ku jiray Gacanta Boliska Britain.
Dhibanaha ayey Boliska Britain xireen, kadib, Qaraxyadda ka dhacay magaalladda London bishii July 7dii ee sannadkii 2005-tii.
Dhibanaha ayaa horey u soo ddhamaystay Xabsi 8 sanno, kadib, markii lagu helay inuu qariyey Xuseen Cusmaan oo ka mid ah Raggii ku lugta lahaa Qaraxyadii bishii July 21-dii ee sannadkii 2005-tii lala maaganaa Shabakadda Gaadiidka ee magaalladda London.
©Radio Dalsan