• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

War Murtiyeedka Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Dowlad goboleedyada+Sawirro

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 2, 2015
in Warar
Reading Time: 10 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Iyadoo laga ambaqaadayo shirkii 1aad ee Madasha Wadatashiga, ayaa waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntand lagu qabtey shirkii labaad ee madasha intii u dhexeysey 30 April ilaa 1da May, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah DFS (Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed). Waxaa shirkan ka soo baxay warmurtiyeedkan:

1. Fulinta iyo Hirgelinta Heshiisyadii Horey loo Galay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah waxay isku afgarteen dardar-galinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen dhinacyada , si arrintaasi loo gaaro waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas, waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

1. Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

Si loo dardargaliyo geeddi socodka dib u eegista dastuurka, waxay madashu isku raacday in la dhamaystiro xubnaha ka dhiman guddiyada dib u eegista iyo kormeerka dastuurka ee ka imanaya dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida ku cad Qodobka 133 farqadiisa labaad xarafka (a) iyo qodobka 134 farqadiisa labaad.

1. Hiigsiga 2016 (vision 2016).

• Waxaa la isku raacay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah 2016.
• In talada geeddi socodka Hiigsiga 2016 ay ahaato mid loo dhan yahay.

1. Dhismaha Dawladaha Xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka.

a) Dhismaha dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka waa in uu ku salaysan yahay Dastuurka kmg ah.
b) Waxay Madasha wadatashigu isku raaceen in dhismaha maamulka ku meer gaarka ah ee Gobolada dhexe ee ay Dawladda federaalku hoggaaminayso lagu saleeyo heshiiskii 14 Octoober 2014 qodobkiisa 1.3 ee ay isla gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland.
c) Ergooyin ka socda gobolka Mudug qaybta Puntland lagama qaybgelin karo shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe.

1. Amniga:
a) Dhismaha iyo isku dhafka ciidan qaran (Somali National Army).
b) Waxaa la isku raacay in la hirgeliyo is-afgaradkii 12 Abriil 2015 ee Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo tilmaamayey in Puntland 3000 oo askari looga qoondeeyo Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed(XDS) iyo in dowladda Dhexe ay la wareegto xuquuqda ciidankaas.
c) In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero guud siiso dowladaha xubnaha ka ah DFS,Gaar ahaan in Puntland laga caawiyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo cabsi laga qabo in argagixisadu ka soo gudubto xuduud- badeedka u dhexaysa Yemen iyo Soomaaliya.
d) In Wasaaradda Amniga Dowladda Federalka ay abuurto xiriir iyo iskaashi joogta ah oo u dhexeeya wasaaradaha amniga ee dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha khuseeya amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
e) In la diyaariyo qorshe mideysan oo looga saarayo Ururka Gummaadka Ummadda Soomaaliyeed(UGUS), deegaannada wali gacantooda ku harsan.
f) In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo Guddiga Ammaanka Qaran sida ku cad Dastuurka ku- meel-gaarka ah ee Dowladda Federaalka cutubka 10aad, Qodobka 111(h) ee tilmaamaya dhismaha guddiga ammaanka qaran.
g) Si loo dardargeliyo xoraynta iyo xasilinta deegaannada waxaa beesha caalamka laga codsanayaa inay taageero buuxda ka geystaan dhismaha ciidan boolis oo ay leeyihiin dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si ay fuliyaan hawlaha sugida amniga, degmo walbana loo qoondeeyo 200 oo askari boolis ah.
2. Wadaagga Kheyraadka:
• Ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah
a) In kheyraadka dalka Soomaaliya ku jira ay tahay hanti ummad Soomaaliyeed ay wada leedahay, lana dhiiri galiyo sidii looga wada faa’idaysan lahaa.
b) In la sameeyo isla markaana la dhameystiro dhammaan sharuucda ku aadan ka faa’idaysiga iyo wadaaga kheyraadka dabiiciga ah.
c) Si loo dedejiyo samaynta shuruucda qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah waxay madashu ku heshiisay in la magacaabo mudo 45 cisho gudohood ah, guddi ka kooban Dowladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah oo ka soo shaqeeya heshiis ku meel gaar oo ku saabsan qeybsiga kheyraadka dalka.
• Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah iyo Cahdiga cusub (New Deal)
a) Waxaa la isla gartay inaan lagu qanacsanayn loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo cahdiga cusub (New Deal).
b) Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliyeed in loo qaybiyo si caddaalad ah iyadoo la abuurayo jawi abuuri kara kalsooni iyo hufnaan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.
3. Baahinta maamulka gobollada iyo degmooyinka:
Waxay madasha isku raacday in dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay dedejiyaan dhismaha iyo dhamaystirka maamullada gobolada iyo degmooyinka.

——DHAMMAAD————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A1782

IB0A1760

IB0A1840

IB0A1658

IB0A1714

IB0A1739

IB0A1688

IB0A1964
Previous Post

Dhageyso: Warka Galab Ee Radio Dalsan 02-05-2015 by Farxiyo Maxamed Xuseen

Next Post

FAALLO:- Caqabadaha Shirka Cadaado u ekaa hal aan jirin ku jebisay

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Next Post

FAALLO:- Caqabadaha Shirka Cadaado u ekaa hal aan jirin ku jebisay

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00