WAR DEG DEG AH: Kolanyo AMISOM oo Qarax Lagula Eegtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellaha dhexe, gaar ahaan degmada Mahadaay ayaa ku waramaya in qarax miino lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo marayey degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in Miinada dhulka lagu aaso ay la kacday gaari ay leeyihiin ciidanka AMISOM, oo waxyeelo khasaare ay ka soo gaartay qaraxaas sida la sheegay, inkastoo aan la xaqiijin inta uu la egayahay khasaaraha.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas fureen qarax, kadib oo waxyeelo gesytay, waxaana isa soo taraya wararka la xariira khaasaraha qaraxa iyo rasaasta ay fureen AMISOM.

Majirto ilaa iyo hada cid ka hadashay qaraxa oo waxyar ka hor dhacay degmada Mahadaay, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media