DEG DEG: Dhalinyaro Laga Soo Tarxiilay Suudaanta Koonfureed oo Laga Soo Dajiyey Garoonka Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad ay saarnaayeen ku dhawaad Labaatan dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Suudaanta Koonfureed.

Dhalinyarada la soo tarxiilay ayaa bilihii la soo dhaafay ku xirnaa xabsiyada dalkaas, waxaana maanta dib loogu soo celiyey Muqdisho, kadib dadaal ay u gashay dowladda sii deynta dhaintaasi.

ilaa 17 dhalinyaro ayaa la keenay Muqdisho, iyadoo kuw kalana ku jiraan xabsiyada wadankaas, kuwaasi oo dhibaatooyin ay ku heystaan xabsiyada Suudaanta Koonfureed oo inta badan tahariibayaashu ay sii maraan, qaarkoodna ay u shaqa doontaan dalkaasi.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media