Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Taabid Cabdi Maxamed waxa uu maanta soo saaray Waregto uu ku beddelay G/Xigeenadii hore ee Gobalka Banaadir, wuxuuna magacaabay G/xigeenadda iyo Xoghayaha Guud ee Cusub.
Halkan ka akhriso magacyada Mas’uuliyiinta la magacaabay :-
- G/xigeenka 1-aad eeArrimaha Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxamed.
- G/xigeenka 2-aad ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka Gobalka Banaadir waxaa loo magacaabay Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir
- G/xigeenka 3-aad ee Arimaha Bulshadda waxaa loo magacaabay C/llaahi Cilmi Ereg.
- G/xigeenka 4-aad ee Arrimaha Hawlaha Guud waxaa loo magacaabay Aadan Sh Cali Fiidow
- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar.
©Radio Dalsan