Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa muddo kordhin ku sameeyay wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta aan horrey isku diiwaan galinin.
War qoraal ah ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in muddo saddex maalin ah lagu daray wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee aan horrey isku diiwaan galinin.
Wakhtiga isdiiwaan galinta Musharaxiinta harsan ee doonaya inay is Diiwaangeliyaan ayaa ka bilaabaneysa 17-da bishaan oo ku beegan Maanta,isla markaana waxaa ay ku egtahay 19-ka Bishan August 2019
Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa iyana ku yimid dhib u dhac taasi oo lagu waday inay dhacdo 19-ka Bishan,hayeeshee la filayaa in la qabto 22-ka bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota.
Shalay ayay aheyd markii qaar kamid Musharaxiinta u taagan qabasha xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ee Is diiwaangeliyay ka soo horjeesteen in waqti kordhin lagu sameeyo Is diiwaangelinta Musharaxiinta.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan oo dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo Guddiga doorashada ka Codsaday in muddo kordhin lagu sameeyo waqtiga Is diiwaangelinta Musharaxiinta si ay isugu Diiwaangeliyaan Musharaxiinta harsan.
Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddiga Doorashada Jubbaland oo lagu qoray Luuqa Engalish-ka.