Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Cusub ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ee maamulkaas,kdaib markii dhawaan Guddiga Doorashada ay ku dhawaaqeen inay Maanta la qaban doono Doorashada.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Jubbaland,waxaana goobjoog ka noqonaya xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ku sugan halkaas.
Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland.